Muqdisho-Ayaamaha-War Qoraalka ah oo Kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey qodobadii ay isku raaceen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, 14-kii November.

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa isla qaatay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay dal ku galka Kenya ka qadaanayaan garoomada diyaaradaha ee dalkaas.

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka shakhsi ee ay sameeyeen labada madaxweynaha  si ay u hormariyaan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa qoraalka lagu yiri.

“Waxaan qiimeyneynaa faa’iida labada dhinac ah ee Soomaaliya ugu jirta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska la ah, taasi oo gacan ka gaysaneysa baraaraha dadkeeda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh amniga iyo horumarkii guud ee Geeska Afrika”.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay hadda sugayaan in la fuliyo tallaabooyinkii ay isku raaceen labada madaxweyne, si sare loogu qaado xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Xubnaha sida wadajirka ah u soo saaray qoraalkan ayaa kala ah: AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, UNSOM, iyo Mareykanka.