MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxa booliiska gobolka Atlanta ayaa xilka iska casilay ka dib markii booliiska gobolkaasi ay toogteen nin madow Amerikan ah.

Waaxda dambi baarista ee gobolka Georgia ayaa baaraysa dhimashada Rayshard Brooks, oo 27jir,.

Waxa ay dambi baarayaashu ay baaritaan ku hayaan muuqaal ay duubeen kamarooyiinka ammaanka ee CCTV loo yaqaano ee ku yaalla gudaha hoteleka Wendy iyo waliba dad goobjoogayaal ahaa oo su’aalo la waydiinayo.

Wararka ayaa sheegaya in booliiska looga yeeray Hoteelka sababtoo ah Mr Brooks oo dhex hurday gudaha gaarigiisa taasi oo ilinka ka xirtay gawaaridii kale ee goobtaasi ka bixi lahaa.

Sida ay booliiska sheegeen, Mr Brooks ayaa ka dhaga adeegay xaritaan ay doonayeen in ay booliiska xiraan.

Warbixin hordhac ah oo ay soo saareen waaxda dambi barista ee gobolka Georgia ayaa lagu sheegay in muuqaalka ay kamarooyiinka duubeen ay muujinayaan booliiska oo gudaha hotelka ku dhex ceyrsanaya Mr Brooks.

Muuqaal uu duubay qof goobjooge ahaa ayaa la arkayay, Brooks oo dhulka jiifa islamarkana la xarbinaya laba askari.

Mr Brooks ayaa markii dambe la arkayay isaga oo cararaya ka dib-na waxaa la maqlay rasaas iyo Mr brooks oo dhulka yaalla

Waxaa loola cararay isbataalka halkaasi oo la shaaciyay in uu geeriyooday.

Mid ka mid ah askarta ayaa waxaa laga daweeyay dhaawac ka soo gaaray dhacdadani.

Dilka ninkan madowga ah ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo waxayna booliiska isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa.

Waxaa ay arrintan ay ku soo beegmaysaa xilli magalooyiin badan oo ku yaalla iyo dalal kale ay ka dhacayaan dibadbaxyo looga soo horjeeday dilkii George Flord oo ahaa nin madow ah oo si arxan daro ah ay booliiska ugu dileen magaalada Minneapolis.