Wararka aan ka heleyno Magaalada Moqdisho ayaa sheegaya in Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ciidamo cusub oo boolis ah ku wareejiyey saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamadan cusub ayaa waxay qeyb  ka noqon doonaan xoojinta amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhowaan ayey aheyd markii Raisul Wasaaraha Somalia ay tababaro usoo xiray ciidamadan Booliska oo muddo dhowr bilood ah tababar lagu siiyay dugsiga tababarada Jan. Kaahiye ee Magalada Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mid ah degmooyinka Wadajir, Kaaraan, iyo Waaberi.

Guddoomiyaaaha degmooyinka Ciidankan lageeyey ayaa aad usoo dhaweeyey, ayagoo xusay in looga fadhiyo isbedel iney ku sameeyaan xaalada amniga.

Ciidamadan Booliska Soomaalieed ayaa saacadaha soo socda la geyn doonaa saldhigyada kale ee booliska gobolka Banaadir, lamana oga illaa hadda waxa ay kaga duwan yihiin ciidamadii horay u joogay Degmooyinkaas.