MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa lagu sheegay inaysan tixgalin doonin codsiga Iran ee ah xiritaanka madaxweynaha Mareykanka.

Interpol ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso qawaaniinteeda ogeysiisyada inay ka mamnuucayaan “faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyey in Donald Trump uusan wajihi doonin wax khatar ah ama xarig ah oo loo geysto Madaxweynaha Wadanka ugu awooda badan caalamka.

Hadalka kasoo baxay Interpol ayaa imaanayo xilli shalay Dowladda Islaamiga ah ee Iran ay soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ay rumeysan yahiin iney ka dambeeyay duqeymahii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Tehran.

Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo.

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.