Booliska Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Ay Toogteen Qof Ka Tirsanaa Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ex Control Balcad ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa uu sheegaya in Booliska gobolka Banaadir ay toogteen xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo ku hubeysanaa Qori Ak-47.

Wararku waxaa ay sheegayaa in Ninkaan uu isku dayay inuu carqaladeeyo dhismaha waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

laamaha amniga Gobolkani Banaadir ayaa waxaa ay intaa ku dareen, in Shaqsiga la toogtay uu doonayay in uu beegsado shaqaalaha dhisaya waddada, oo dhismo ku socdo, balse ay ka hortageen, oo ay isla goobtii ku toogteen.