Booliska Hir-Shabeelle Oo Dhalinyaro Ku Xir Xiray Magalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle waxaa ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah Dhalinyarada ku nool Magaaladaas.

Ciidamada ammanka ayaa la sheegay in howlgalkooda ay ku bartilmaameedsadeen Goob ay ku sugnaayeen Dhalinyarao, iyaga oo halkaasi ka xiray laba dhalinyaro ah.

Mid kamid ah dhalanyarada la xiray ayaa Magaciisa lagu sheegay Samafale Cabdi Casiis Maxamuud.

Dadka la qabtay ayaa lageeyey in la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku xiran yihiinm rag kale oo horay ay Ciidamada Booliska ay u xireen.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa xir xirayaan qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay sidoo kalena abaabulay Banaanbaxyadii looga soo horjeeday maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Booliska Beledweyne waxaa ay horey u xireen Wariye hore Cali Dahir Xeroow iyo Afhayeenka Jabhadda Janareel xuud.