MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii in ay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada, tallaabadan oo imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baaritaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah ka dib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore.

Sagaal ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in la dhisayo nidaam cusub oo ka shaqeeya badqabka shacabka.

Booliska magaaladaasi ayaa in badan lagu eedeeyay cunsuriyad iyo midab-takoor.

Duqa magaaladaasi, Jacob Frey, ayaa mar sii horreysay ku gacan seyray in la kala diro waaxda booliska ee magaaladaasi, hadalkaa oo sababay in dadka dibadbaxyada dhigayay ay ku oriyaan.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo cunsuriyadda ayaa lagu qabtay qeybo badan oo Mareykanka ah ka dib geeridii George Floyd ee ku dhintay gacanta booliska.

Haseyeeshee waxaa la debciyay tallaabooyinka amniga lagu sugayay ee guud ahaan waddankaasi muddadii ay socdeen dibadbaxyadani, maadama aysan jirin rabshadihii dhacayay maalmo dhaweyd.

Sanadkii 2012-kii ayaa magaalada Camden ee gobolka New Jersey waxa ay kala dirtay waaxda booliska magaalada, iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub oo suga amaanka magaaalada.