Muqdisho-Ayaamaha-War qoraal ah oo kasoo baxay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska  Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in dhamaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir iyo laanta Gurmadka Deg-deg ah la geliyay heegsan buuxa.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey laamaha kala duwan ee Ciidanka booliska Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada muqdisho,kaddib markii ay booliska sheegeen in roobab xoogan oo waxyeelo geysan kara laga cabsi qabo inay  ka da’aan Magaalada muqdisho.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska ayay yiri” Zakiya Xuseen Axmed.

Shaabka ku nool Magaalada Muqdisho ay waxay ugu baaqday in cid allaala ciddii u baahato gurmad deg deg ah ay hay’adaha Amniga kala xiriiraan 991 si logu gurmado.

Waxaa xusid mudan in taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed aysan sheegin halka ay ka soo xigatay xogta ku aadan Roobabka kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.