Booliska Soomaaliya Oo Farriin Adag U Diray Taageerayaasha Xulalka Gobolka Banaadir Iyo Galmudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee barri ka qayb galaya daawashada ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Waxa uu dhalinyarada daawashada ciyaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Muqdisho faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga, lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah ciyaartu ku dhacdo.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale xusay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.