Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Ku Yaalla Muqdisho Oo Lagu Beeray Xashiish

ooliska oo gacanta ku dhigay Guri ku yaalla Muqdisho oo lagu beeray Xashiish

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Saldhiga Saldhiga degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgalo waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo Tookiyo ee degmadaas, kadib markii Ciidamada xog ka heleen dadka deegaanka.

Ciidanka Booliska ee howlgalka waday ayaa gacanta ku dhigay Guri ku yaalla xaafadda Tookiyo oo lagu dhex beeray dhirta Xashiishka nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha, fuustooyin lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa falkaas.

aliyaha Saldhiga Booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigeen Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishka iyo dadkii ku howlanaa.

“Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool degmada Howlwadaag oo uu sheegay inay Ciidanka Booliska lasoo wadaageen xogta Guriga, wuxuuna sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadkii loo qabtay waxyaabaha maanka dooriya.

Waa dhacdo ugub ku ah Gobalka Banaadir in lagu arko Beer lagu tallaalo Xashiishka, taas oo hadda ay kahortageen Ciidamada Ammaanka, waxaana xusid in dhawaan laamaha ay qabteen ay yaalleen Warshad lagu farsameeynayey Calaqa iyo Xashiishka.