Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Xarumaha Caafimaad ayaa waxaa buux dhaafiyay boqolaal shacab ah, kuwaasi oo baadi goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen eheladooda oo ka maqan.

Isbitaallada dadka ay buux dhaafiyeen ayaa waxaa kamid ah Isbitaallada Madiina iyo Digfeer,waxaana lagu arkayaa dadka oo baadi goob ugu jira Eheladooda qaar oo ka maqan.

Dhaawacyada ugu daran ayaa waxaa la geeyey Isbitaallada Madiina iyo Digfeer ee dadkii ku waxyeeloobey qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontaroo Afgooye ayaa gaartay 79 Ruux, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana inta badan dadkaas ay ahaayeen kuwo shacab ah.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye, waxaana qaraxaas uu ka mid noqday kuwa ugu Khasaaraha badan eek a dhacay Magaalada Muqdisho.