Muqdisho-(Ayaamaha)Madaxweynihii hore ee Dowladihii KMG aheyd ee soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta  Waxaa  uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Boqolaal dadweyne ah ayaa safaf dhaadheer ugu jiro soo dhaweynta hogaamiyaha.

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Sheekh Shariif ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay.

Tan iyo markii uu xilka baneeyey  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana looga adkaaday doorashadii Sanadkii 2017 ka dhacday muqdisho ayaa hada waxaa uu wadaa ololihiisa doorashada soo socota, isagoona xoogii ugu badnaa gelinaya Doorashada.

Saxaafada ayaa haatan ku sugan xarunta Xisbiga oo ku taala nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde.

Sheekh Shariif  ayaa la filayaa inuu kulmo la qaato  qeybaha kala duwan ee bushada Soomaaliyeed.