Muqdisho-Ayaamaha-Boqorka qabiilka Zulu Goodwill Zwelithini ayaa sheegay in ragga lagu helo inay kusfi geeysteen laga tumo xininyaha, sida ay ku warrantay warbaahinta IOL.

” Xininyaha oo laga tumo waxay soo afjareysaa kufsiga…waa in qaabkan la adeegsadaa iyadoo adduunka la tusayo in qabiilka Zulu uusan inaba raali ka aheyn fadeexaddan” ayuu yiri boqorka oo shaley ka hadlayay dabaaldeg ka dhacay dalkaas.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ‘ragga’ ay fulin doonaan howlgalkaas.

Hadalka Boqorka ayaa imaanaya xilli walaac laga muujinayo falalka kufsiga ah ee loo geeysto haweenka ku nool Koonfur Afrika taas oo si weyn loo hadal hayo.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Cyril Ramaphosa waxaa uu sheegay in dhacdooyinka la xiriira kufsiga ay lamid yihiin sida kuwo ka dhaca dal u ka taagan yahay dagaal.

In ka badan 41,000 haween ah ayaa lagu kufsaday Koonfur Afrika laga bilaabo bishii Apriil ee sannadkii 2018-kii.

Boqorka Zulu ma laha awood siyaasadeed balse waa nin saameyn weyn ku leh dalkaas, waxaa uu hogaamiya qowmiyadda ugu badan Koonfur Afrika.