Muqdisho-Ayaamaha-Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa geeriyooday, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir.

“Anaga oo aad uga xun ayaa waxay boqortooyada u murugoonaysaa geerida boqor Sultan Qaboos bin Sacad, oo Jimcihii geeriyooday ,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay boqortooyada Cumaan.

Bishii aanu soo dhaafnay ayuu dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu howlo caafimaad u aaday dalka Biljim.

Waxaa jira warar sheegayay in uu hayay cudurka Kansarka.

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

Intii uu xilka hayay ayaa waxaa uu dalkaasi gaaray hormar ballaaran, balse dadka ay siyaasadda isaga soo horjeedeen ayaa la aamusiyay oo cadaadis la kulmay.

Saddex maalmood oo barooq-diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalkaasi Cumaan.

Boqor Qaboos ayaa afgembi aan dhiig ku daadan xukunka uga tuuray aabihii isaga oo taageero ka helayay Britain sanaddii 1970.

Isaga oo isticmaalaya shidaalka uu dalka Cumaan hodonka ku yahay waxaa uu dalkaasi cagaha saaray dhabadii hormarka.