Weerar isugu jiray cir iyo dhul ayaa habeen hore ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo kale oo Mareykanka ah ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in ciidamadan Huwanta ah ay diyaarado uga daateen duleedka deegaanka Janaale, waxaana isla xiligaas  iska caabin kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo heegan ku jiray kuna sugnaa banaanka Deeganka Janaale.

Shabaab ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, waxa ayna Shabaab sheegteen inay fashiliyeen howlgalkaasi.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo taageerayay ciidamada lugta ku galay Janaale ayaa la sheegay in gantaalo ku garaaceen xaafado kuyaala deegaankas, lamana soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay duqentaas kadhacay janaale.

Dhowr gantaal ayaa la sheegay in ay ku dhaceen guryo kuyaala deegaanka Janaale, waxaana khasaaro bur bur uu gaarsiiyay duqeyta guryo kuyaala deegaanka Janaale oo la sheegay in shacab degnaayeen.

Sawirrada laga soo qaaday duqaymaha  madaafiicda ku dhacdday aagas ayaa muujinaya bur bur xoogan oo ka dhashay duqeyntaasi oo habeen hore lagu garaacay deegaanka Janaale ay maamulaan Al Shabaab.