Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynahii hore ee  Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa  facebook-ga ayaa waxaa uu uga hadlay halka ay maraysa xaaladiisa caafimaadka iyo siyaasada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Cabdi Kariim maalmaha soo  socota uu dib ugu soo laaban doono  siyaasadda, kana qeyb qaadan doono  horumarka dalka ayuu yiri.

Cabdi Kariim ayaa caddeeyay inuu bilaabay qaban qaabada unkida xisbi Siyaasadeed uu hormuud u yahay.

Arrintan ayaa ka dhigan in C/kariin Guuleed wixii hada ka dambeeya uu gaar ka noqday saaxibadiisii ay muddo isla socdeen, gaar ahaan Kooxdii Dam Jadiid.

C/kariin Guuleed ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono mid ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka ku yeelan doona doorashada soo socota ee 2020/2021.

Halkan ka Akhriso qoraalka.