Xubno kamid ah milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeyn jiray dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkooda loo diiday inay gudaha u galaan dekadda, ayagoo warbaahinta la hadlay.

Milkiilayaasha gaadiidka xamuulka ayaa sheegay in muddo shan sano ah loo diiday inay ka shaqeeyaan dekadda magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay dhibaatada lagu hayo taas oo soo bilaabatay dowladii hore ee Xasan Sheikh.

Waxay sheegeen inay xaaladda kasii dareyso islamarkaana dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan waxba ka qaban cabashada ay qabaan gaadiidleyda waaweyn ee ka xamaalan jiray dekadda weyn ee magaalada Moqdisho.

Afhayeenkan u hadlay gaadiidleydaan, Cabdullaahi Cali Faarax ayaa sheegay in wasaaradu ay siisay Shati, balse markii dambe ayuu sheegay in laga celiyay, taasi oo keentay inuu Gaadiikooda gali waayo dekadda.

Cabdullaahi Cali Faarax ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay kala kulmeen wasaaradda gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in gaadiid badan ay ku jiraan garaashyada Muqdisho, maadaama ay shaqo la’aan soo wajahday.

DHAGAYSO CODKA: