Cabdikariim Axmed Mooge Oo Loo Doortay Maayirka Cusub Ee Magaalada Hargeysa.

Magaalada hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa waxaa goordhaweyd lagu doortay maayirka Magaalada iyo ku xigeen, kadib Codeyn ka dhacday Magaaladaasi.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa si rasmi ah loogu doortay Duqa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, waxaana Cabdikariin uu helay codad gaaraya 17 cod, sidoo kale waxaa 17 cod helay ku xigeenkiisa Khadar Axmed Nuur.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa ee laga doortay Somaliland, waxaana uu helay 27 kun oo cod.