Cabdirashiid Janan oo “xabsi guri ku ahaa” Villa Somalia oo la la’yahay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la sheegay inuu ka goostay Villa Somalia, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Villa Somalia. 

Janan ayaa bilo kahor isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo.

Wasiir Janan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xabsi guri ku ahaa Villa Somalia, isagoo la sheegay in uu isu dhiibay xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta Mucaaradka ah. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan. 

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay.

Cabdirashiid Janan ayaa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, 25-kii March 2021, maalmo kadib heshiiskii uu la gala dowladda.