Kismaayo-Ayaamaha-Siyaasiga Mucaaradka ku ah Maamulka Jubbaland mar uu la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in uusan waxba iska beddelin mowqifkiisa siyaasadeed ee kaga aaddan madaxtinimada Jubbaland, kaasi oo goor hore uu sheegay inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulkaasi, kaddib doorasho oo uu ku qabsaday magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan isbeddel doonka haddii ay la heshiiyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) aysan waxba ka beddeleynin mowqifkooda siyaasadeed, islamarkaana uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Jubbaland.

Hadalkaan ayaa yimid kaddib markii dhowaan kulan ay wada qaateen madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo siyaasiga Cabdinaasir Seeraar.