Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo noqday Masuul ugu shaqada badan dowladda cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa musharaxiintii ku guuldareystay qabashada xilka madaxweynaha ee looga adkaaday kadibna loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Bina i’aadinimada soomaaliya ayaa noqday qofka katirsan dowladda ee hadane ugu shaqada badan.

Markii lamagacaabay ilaa hada ayaa waxaa uu waday kulamo aan joogsi laheyn oo looga hdlay arrimaha bini’aadiniada iyo abaaraha, waxana aad loogu amaanay shaqada uu hada haayo iyo sida uuu dardar gelinaayo.

Xalay ayuu kulan fogaan araga ah ee ZOMKA waxaa uu la yeeshay lix wasiir oo katirsan Maamul Goboleedyada, wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashaan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wadashaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka.

Ugu danbayn, Ergeyga iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.