Muqdisho-(Ayaamaha)-Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir Carab ayaa maanta waxaa uu la wareegay xilka gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne , kadib munaasabad ka dhacday xarunta Degmada Xamar Weye.

Munaasabada ayaa waxaa kaso qeyb galay Xilhibaano katirsan Baarlamaana Federaalka Soomaaliya, gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir Arimaha bulshada, Waxgarad yo qeybaha kala duwan ee bulshada Xamar weyne.

Cabduqaadir Carab Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne ayaa u mahad celiyay maamulkii hore ee degmada Xamar weyne, waxa uuna bala qaaday in uu la imaan doono waxqabad muuqda oo ay raali ka yihiin bulshada Xamar Weyne.

Mudo dhowr bilood ah Degmada Xamar Weyne ayaa laheyn wax gudoomiye ah, waxaana maamulka degmaaasi si KMG ah usoo hayay Gudoomiye kuxigenkii degmadaasi oo maanta xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub.