Cabsi xoog leh oo laga muujiyey abaabulka ka socda Villa Somalia.

Waxaa qoray prof. Cabdi cismaaciil Samatar.

Hadeeynaan isbedel mug leh ku dhicin maanka Madaxweeynaha waqtigiisu idlaaday, Raisulwasaaaha xil-gaarsiinta iyo madaxda maamul-goboleedyada qarankaan wuxuu halis buuxda ugu jiraa inuu mar labaad god mogdi ah ku hoobto gabigiisba Alle ma qadaree.

Waxaan ugu baaqayaa qeeybaha aan kor kusoo xusay in dagaalkooda iyo danahooda hoose inta meel iska dhigaan ay usoo jeestaan samata-bixinta dalka iyo dadka, maanta tagtadu (taariikhdu) waxay ku suntaa qofka hadba halka uu ka joogo marxalada maantadan la joogo ama hadba garashadiisa xalka maanta loo baahanyahay, waxaana la isku raacsanyahay in taariikhaha xilligaan oo kale qorma ay ka miisaan iyo macna badanyihiin kuwa qorma xilliyada nabada, barwaaqada iyo horumarka.

Walaalaha waxaan ugu baaqayaa in qof walba candhuuftiisa (caradiisa dib u liqo), si maanta taariikhdu baal dahabiya kuugu qorto.

Hadaadan xalka qeeyb ka noqon karin ugu yaraan dhibka qeeyb haka noqone bannaanka ka istaag walaalow.

Salaamullaahi caleykum