????????????????????????????????????

Muqdisho-(Ayaamaha)-Hadalheynta in uu jiro Banaanbax ay abaabulayaan dadka Shacabka gaar ahaan Gaadiidka dadweynaha ayaa xoogeysatay Saacaddihii ugu dambeeyay, waxaana jira maalmihii lasoo dhaafay kacdoon arintaasi ku aadan oo ka socday Baraha Bulshadda.

La-taliyaha Madaxweynaha Somalia Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dibed-baxan uu yahay mid lagu khal khal gelinayo amniga caasimada, ayna abaabulkiisa wadaan siyaasiyiin uu sheegay inuu ka mid yahay Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid iyo xubno kale oo uu ku eedeeyey iney taageere dhaqaale ka heleen dowlada Imaaraadka Carabta.

Banaanbaxa ayaa laga cabsi qaba in uu dhaco maalinta berri ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Ciidamo loogu tala galay in ay ka hortaggaan rabshaddaha.

Sida ay inoo iloo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay dowlada Somalia ayaa wada qorsheyaal ay ku fashilineyso dibed baxa beri la filayo, waxaana maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulamo abaabulan oo banaanbaxaas lagu diidan yahay, kuwaasoo ay ka qeyb galeen, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro.

Ciidankaan ayaa ah Ciidan Boolis ah, waxaana goobta lagu soo bandhigayay tagay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuur Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidankaan loogu tala galay in ay ka hortaggaan Banaanbaxyadda.

Ciidamada Booliska iyo kuwa rabshadaha ka hortaga ayaa sidoo kale heegan la geliyey caawa, iyadoo dowladu ay si weyn uga walaacsan tahay in banaanbaxan uu noqdo mid rabshado wata oo khal khal lagu gelinayo amaanka caasimada.