MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Bil ka hor warbaahinta u sheegay in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo qalab loogu talagalay la-tacaalida Covid-19, kaas oo deeq ahaan loo soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa cadeynaya qalabkaan gargaarka ah oo si weyn loogu arkay suuqyada Muqdisho isagoo lagu kala iibsanayo.

Arrintaan ayaa muujineysa in musuq maasuq weyn lagu sameeyay gargaarkii loo keenay Soomaaliya, si ay uga taxadirto cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowlado kala duwan ayaa agabyadaan keeneen oo ay qeyb ka tahay Turkiga waxaana lagu arkayaa suuqyada Muqdisho, taasoo dadka iibinaya kuu sheegayaan in si suuq madow ah ku heleen.

Sidoo kale agabyadaan ka kooban qalab nuucyo kala duwan leh oo cudurka loogu talagalay.

Dad badan ayaa aaminsan in musuq maasuqa lagu sameeyay gargaarkii Soomaaliya uu intaan ka badan yahay islamarkaana la boobay hanti badan iyo lacag badan oo wax looga qaban lahaa qatarta cudurkaan safmarka ah Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hore u beenisay in la musuq maasuqay gargaarkii ay heleen balse ay dhici karto in xafiisyada maamulada uu ka baxay ama wax ka qaldameen, taas oo muujineysa in Musuq Maasuq jiro.

Horey ayaa xeer ilaalinta qaranka waxay dacwado ugu soo oogtay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo hadda sugaya in la maxkamadeeyo.

Sawiradda Cadeynaya in Agabkaan suuqyada lagu kala gadanaya.