Cali Guudlaawe oo tagaya Beledweyne iyo Siyaasiyiin & Xildhibaano oo kulamo ka bilaabay Magaalada.

BELEDWEYENE-AYAAMAHA-Xalay waxaa Kulan Albaabada ay u xiran yihiin Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Beledweyne ku yeeshay  Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaasiyiin kala duwan iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka 10-aad ee waqtigooda dhammaaday oo shalay gaaray magaalada Beledweyne.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, madaxweynihii hore ee maamulkaasi Mudane Cali Cabdullahi Cosoble, wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar, wasiirkii hore waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, xildhibaan Qoone iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kuwaas oo shalay ka dagay Beledweyne.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay General Xuud ku qanciyaan in madaxweynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaado magaalada, iyada oo markaan ay u muuqato in loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne, waa sida ay sheegaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe Madaxweynaha HirShabeelle ay u badan tahay in Senatarada HirShabeelle gaar ahaan kuwa reer Hiiraaraan uu halkaas kusoo qori doono kadib markii laga hesho tabashada reer Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle.

Xildhibaanada iyo masuuliyinta tagay Beledweyne ayaa qaarkood waxay hami ka leeyihiin xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka inay kala heshiiyaan Cali guudlaawe, dhanka kalena Cali Guudlaawe lageeyo Beledweyne oo muddo ku dhow sanad uusan tagin tan ilaa doorashadiisa.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka socda Beledweyne ayaa ah kuwo xal raadin ah, maadaama lagu wado in magaaladaasi lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.