Cali Yare oo shaaciyey qofka ka dambeeyey inuu baaqdo safarkiisii Guriceel.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo shaaciyey in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu ka dambeeyey safarkiisa ku sii jeeday magaaalada Guriceel.

Hoos ka akhriso.

BEENIN IYO BAYAANIN

Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.

Madaxda NISA waxaan uga mahadcelinayaa Jawaabta ay arrinkaas ka bixiyeen oo ahaa mid dhaxalgal ah oo ka turjumaya macnaha dhabta ah ee Hey’addu u taagantahay.

Waxaan u Mahadcelinayaa Madaxda dowlada Federaalka oo sameysay dadaalkasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo.