Muqdisho-(Ayaamaha)-Milliteriga Dowladda Yemen waxay shalay oo Isniin ah shaaciyeen inay dileen tiro dad asalkooda Afrikaan yahay, kuwaasi oo u dagaalamayey Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Dagaalkan oo ka Socday shantii maalmood ee u dambaysay deegaano kamid ah Koonfurta Yemen oo u dhexeeyay Xoogaga Yemen ku dagaalamaya ayay lagu dilay Sodomeeyo Soomaali ah.

Sida lagu qoray Shabakadda Wararka Milliteriga Yemen ee 26sepnews.net ayaa lagu sheegay in 267 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiintiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto ku dileen dagaal shantii maalmood ee la soo dhaafay ka socday aagaga dagaalka ee Degmooyinka Mariis iyo Damat ee Waqooyiga Gobalka Al-daalac (الضالع) ee Koonfurta dalkaasi.

Shabakadda Wararka ee Milliteriga Dowladda Yemen ee 26sepnews.net ayaa waxay kaloo ay qortay in dagaalkaasi lagu burburiyey Taangiyo iyo gawaari Tekniko ah oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo dagaal galeen.

Militeriga Yemen ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 167 ka tirsan Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo Taliye la oran jirey Ibraahim Cali iyo 30 qof oo Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaysay Xuutiyiinta, halka 100 kalena lagu dhaawacay.

Dalka Yemen ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo Qaxooti ah.