Garowe-Ayaamaha-Dacwadda la xiriirta kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah oo la kufsaday lana dilay Bishii Febaraayo ee sanadkaan ka dhacday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa markale dib loo dhigay.

Saddex Rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 243 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah, iyaga oo racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu  riday.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen .

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo Bishii Febaraayo ee sanadkaan loogu geystay Caaisho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 jir ah kama mid aheyd dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo.