MUQDISHO-AYAAMAHA-Wariyaha CNN oo Minneapolis ugu soo warramayey oo la xiray xilli ay mudaharaadyo looga soo horjeeda dilka loo geystay ninka madowga ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira. Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo.

Balse waxyar kaddib ayaa la sii daayey wariyaha iyo raggi lalal xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa raalli gelin ka bixiyey xarigga wariyaha lagula kacay, isaga oo dhacdada ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin”,

CNN waxay sheegtay xariigga loo geystay shaqaalaheeda inuu dastuurka dalka Mareykanka uu ka hor imanayo.

Maxaa dhacay?

Mr Jimnez wuxuu Miinneapolis uu ku sugnaa seddex habeen si uu u soo tabiyo mudaharaadyada rabshadaha wata ee halkaasi ka dhacaya.

Talaadadi muuqaal si weyn loo baahiyey ayaa muujinayey askari boolis ah oo qoorta jilibka ka saaray nin madow ah oo aan hubeysneyn oo lagu macaabo Floyd isaga oo leh ‘waan neefsan la’ahay sidaana uu ku dhintay’.

Mr Jimenz wuxuu si toos ah u tabinayey xarigga ay booliska ka wadaan agagaaraha saldhigga booliska ee ay mudaharaadayaasha dabka qabadsiiyeen

Marki ay kooxda wariyeyaasha ee ka socda ay kaameeradooda ku qabteen booliska oo mudaharadayasha xiray, boolisku waxay soo abbaareen halki ay wariyeyaasha CNN joogeen waxayna u sheegeen iney meesha ka dhaqaaqaan.

Muuqaalka Mr Jimnez laga duubay ayaa caddeeyey inuu wariyaha CNN oo booliska ku leh “Waan ka dhaqaaqeynaa, amarkiinnana waan qaadaneynaa balse tebin toos ah ayaan wakhti xaadirkan ku jirnaa ma joojin karno.”

Askari careysan ayaana u yimid kuna yiri “waad xiran tahay” wuxuuna billaabay inuu gacmaha uu katiinad kaga xiro.

Falcelin nocee ayaa ka dhalatay?

CNN oo boggeeda Twitterka farriin soo dhigtay waxay ku tilmaantay “xadgudub cad oo loo geystay xuquudooda”. Sharciga ay CNN sheegtay in lagu xadgudbay ee dastuurka Mareykanka wuxuu ilaalinayaa xorriyada hadalka iyo isabaabulka.

Booliska gobolka Minneapolis waxay xaqiijiyeen xarigga wariyaha loo geystay balse la sii daayey “marki aan ogaannay inuu ka mid yahay bahda saxaafadda”.

Barasaabka gobolka Walz, wuxuu sheegay inuu qaadayo “gabi ahaan mas’uuliyadda dhacdadaasi”