Caro xooggan oo ka dhalatay iibinta Tiyaatarka iyo Wasiir Dube oo xilkiisa ku waayi kara

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa caro xooggan ka dhalatay iibin ama kireyn la sheegay in wasiirka warfaafin xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe uu shirkad ka kireeyey qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka oo Madaxweyne Farmaajo horey u sheegay in aan la kireyn karin lana iibin karin hantiga qaranka oo uu ki jiro Tiyaatarka.

Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Abwaanada ayaa Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) ku eedeeyey in uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri  Dhuux.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.’”.