MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay ka hadlayay Munaasabad uu Xisbigiisa Wadajir ku qabtay magaalada Muqdisho laguna xusayay 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda dalka iyo arrinta matalaada Gobolka Banaadir.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in buugga Villa Somalia wax ka fiiriso laga soo minguuriyay Addis Ababa, isla markaana tallaabooyinka uu qaado Abiy Ahmed wax badan looga daydo.

Mar uu si kaftan uga hadlayay xariggii Jawar Mohamed oo ahaa Mucaaradka Abiy Ahmed oo shalay lagu xiray ayuu yiri in taas oo kale ay dhici karto in Villa Somalia dadka ka soo horjeeda in iyagana la xiro.

buugga Vila somalia wax ka fiiriso, waxaa laga soo miinguur Addiis Ababa, nin ayaa maanta isoo wacay oo ka mid ah dadka arrimaha geeska afrika aad ula socdo, markaasuu i yiri ninkii Jawar Mohamed in la xiray ma maqashay, jawar waa nin hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, markaasaa ku iri haa waa arkay adiga lagu soo socdaa is ilaali ayuu i dhahay, maxaa yeelay Abiy Ahmed hadduu xiray ninkii ka soo horjeeda, Villa Somalia shaqo kale ma qabaneyso dadka ka soo horjeeda ayay xireysaa, meeshaas laga soo qaataa tilmaamaha ee hala is jiro, marka haleyga warqabo yaan mar labaad la is gaadinee”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdhi Shakuur oo ka hadlayay ansixintii Golaha Shacabka ee Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka Sare, ayaa waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid dadka lagu jahwareerinayo,hayeeshee Muqdisho ay u baahan tahay Matalaad iyo maqaam isla socota.

Arrimaha la xiriira Maqaamka Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay ka mid aheyd waxyaabihii loo eryay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed,xilli uu waday shirar maqaam gaar ah loogu sameynayo Gobolka Banaadir.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa khudbadda uu ka jeediyay munaasad uu soo qaban qaabiyay Xisbigiisa waxaa uu eed kala dul-dhacay Madaxda Sare e dalka oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed Madaxa isu gelinayaan.