Moqdisho-{Ayaamaha}-Ciidamada booliska degmada Wadajir ee gobolka banaadir ayaa xalay Gacanta ku soo dhigay Sadex qof oo burcad ah, kuwaasi oo watay Mooto iyo labo biskoolad, waxaa ayna u adeegsanaayeen in ay dadka ku dhacaan

Dhalinyaradan burcada ah oo ciidamada gacanta ku soo dhigeen ayaa la sheegay in ay soo dhaceen Moobilo fara badan , waxaa ayna ku wateen Bac madow, waxaana gacanta ku dhigay Ciidamo uu hogaaminaayey Taliyaha Booliska degmada Wadajir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen Rasaas lagu raac deynayey Kooxdan xilligiga ay ciidamada gacantooda ku soo dhigayaan, iyagoona isku dayayay in ay goobta ka baxsadan ciidamada.

Taliska Booliska Degmada Wadajir ayaan wali faahfaahin howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Dagmooyinka qaar ee gobolka banaadir ayaa xilliyada qaar habeenkii waxaa ay kooxo hubeesan oo burcad ah ay dadka ka qataan taleefanada iyo agabyada kale ee ay dadka wataan.