Muqdisho-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Moqdishu ayaa waxay sheegayaan Maanta ayaa lagu wadaa in ciiidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi ay baneenayaan kulyaddii hore ee jaalle siyaad oo ku taalla wadada warshadaha.

Qorshahan Ciidanka Burundi ay kaga baxayaan kuliyada Jaalle siyaad ayaa socotay bilooyinkii ugu dambeeyay kaddib markii dowladda ay ku wargelisay inay baneeyaan, islamarkaana dhowr jeer ee hore ay kormeereen madaxda ugu sareysa ee dalka soomaaliya.

Qaban qaabada Xafladda ka bixitaanka ciidamada Amisom kuliyadda jaalle siyaad ayaa haatan waxa ay ka socotaa gudaha kulliyada iyada oo ay ka qeyb gelayaan madax kasocota dowladda soomaaliya madaxda Amism saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin.

Madaxa ciidamada AMISOM Francisco Madeira oo mar dhowaan uu booqday kulliyadda Jaaalle siyaad ayaa waxa uu sheegay in agabka difaac ahaan ay u isticmaali jireen ciidamada burundi ee jaalle siyaad fariisinka ku lahaa aanan laga qaadi doonin taabadalkeedane lagu wareejinayo ciidamada soomaaliya ee halkaa fariisinka ku yeellan doona.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer ee hore waxaa ay ubaneeyeen fariisimihii ay ku lahaayeen jaamacadda gaheyr iyo stadium muqdisho halkaa oo ay in muddo ah ay fariisinka u aheyd.