Ciidamada Ammaanka Jowhar Oo Fashiliyay Qarax Miino.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamad ammaanka magaalada Jowhar ayaa howlgalo ay xalay ka sameeyeen magaalada Jowhar waxa ay ku soo qabqabteen rag lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex ruux lagu soo qabtay miino iyo bastoolad howlgalo laga sameeyay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Miinada la soo qabtay ayaa saaka ay ciidamada nabadsugida qarxiyeen iyadoo aysan ka dhalan wax qasaare ah,dhowaaqa qaraxa miinada ayaa meelo fog fog laga maqlay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegaya in raggan la horgeyn doono caddaalada.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa ku dhaawacmay qarax miino mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle kadib markii lagu xirey meel uu fadhiyay.