Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxay maanta gudaha ugaleen Xarunta Cusbitaalka Kalkaal Ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Bukaanada Cusbitaalka ayey Banaanka usoo saareen sida la sheegay Askarta kadibna waxay xireen Agaasimaha Cusbitaalkaasi.

Kalkaal Hospital oo ka mid ah Xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa waxay mas’uuliyiintooda sheegeen inay warsaxaafadeed soo saari doonaan wixii maanta dhacay.

Agaasimaha Cusbitaalka ayaa markii dambe lasii daayey oo dib ayuu uhelay xoriyadiisa sida la sheegay.

Ciidanka Booliska Ee halkaasi tegay waxay hoostagaan Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyada Soomaaliya, Arimo Canshuur ayaana loo maleenayaa in Xaruntaasi maanta loo bartilmaameedsaday.