Ciidamada DF iyo Galmudug oo dib u qabsaday Camaara

MUQDISHO-AYAAMAA-Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban saaka la wareegeenb Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka.

Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday camaara.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in duleedka iyo degaanka Cammaara ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka bilaabeen howlgal miino baaris ah.

Horraantiii bishan ayey ahayd markii ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug ay degaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ka qabsadeen Al-Shabaab kadib guluf milatari oo toddobaadyo socday.