Garbahaareey-(Ayaamaha)-Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kaga sugnaayeen duleedka Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Degmada Garbahaareey,waxaana intaasi ka dib bilowday daagal culus oo la isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan.

Dad ku sugan Degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in dagalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee labada ciidan dhax maray, waxaana saraakiil u hadashay dowlada iyo Al Shabaab mid kastaahi dagaalka ka sheegteen guulo wax ku ool ah.

Dhinaca kale Sarakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen,isla markaana  guulo ka sheegtay dagaalkaasi.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in Ciidamo ka tirsan iyaga ay gudaha Garbahaareey kula dagaalamyeen Ciidanka Itoobiya.

Al Shabaab ayaa  weeraro culus ku qaada saldhigyada ay gobolada dalka ka joogaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , waxaana weeraradaasi uu khasaaro kasoo gaaraa dhinacyada dagaalama.