Afgooye-Ayaamaha-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal.

Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab.