Ciidanka xoogga

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidamada lugta uu faah-faahin ka bixiyey howlgallada ka socda deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

Arrintaan Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen deegaano horey ay u joogeen xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, isagoona tilmaamay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayeen shacabka ku nool deegaanada Sabiib, Caanoole iyo Baladul amiin ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta Dagaalamayaasha Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatadda ay ku haayaan, isagoona sheegay in Al-Shabaab ay ka baadi goobayaan gobalka Shabeellada Hoose.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Xaalada deegaannadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta degen, iyadoona howlgallada lagu baadi goobayo Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.