Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku qabteen nin la sheegay in uu xirnaa dharka dumarka.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay ninkaasi ka qabtay gudaha Magaalada Guriceel, ka dib markii laga shakiyay qaab socodkiisa.

Ciidamada Dowladda oo ninkaasi ku xiray Saldhiga Booliska Guriceel ayaa waxay wadaan baaritaan ku aadan waxa ku khasbay in uu dharkaasi soo xirto.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Guriceel ayaa sheegay in ninkan ay u maleynayan inuu ka mid yahay dadka deegaanka.

Maxamed Cabdi oo la hadlay Warbaahinta gudaha  ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta uu ninkaasi u soo xirtay dharka haweenka, hase yeeshee ay wax kasta kala caddaan doonaan, kolka la soo geba-gabeeyo baaritaanada socda.

Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu xusay inaanan ninkaasi lagu qaban wax hub ah, marka laga soo taggo inuu ku labisnaa dareyska xaawaleyda.

Tallaabada lagu qabtay ninkaasi ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu Jimcihii Gobolka Galgaduud kaga dhawaaqay guluf ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Guriceel lagu qabto nin soo xirtay dareyska u goonida ah haweenka, inta ay taariikhda xuseyso.