Dhuusamareeb-Ayaamaha-Cutubyo ka tirsan Guutada 13-aad ee qaybta 21-aad iyo Ciidamada NISA qaybtooda ka howlgasha Galmudug ayaa gaaray deegaanada Galqoryale , barujeed , ceelbaxaay iyo golagole oo dhowaan Alshabaab ay dadka deegaanka kula hadleen.

Ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay gacan Ku heynta deegaanadaasi iyadoo saraakiisha Ciidanka oo dadka shacabka ah la hadley ay u sheegeen in uu soo dhomaadey waqtigii laga cabsan lahaa Alshabaab Awoodeedu wiiqantey sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegen inay xaqiijiyeen gacan Ku heynta deegaanadaasi, iyaga oo dadka Shacabka ah u sheegay in uu soo dhomaadey waqtigii laga cabsan lahaa Al-Shabaab.

Taliyaya Guutada 13-aad GaashaanleCabdiraxmaan Macalin Maxamuud “Timadheere” ayaa sheegey in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Si kastaba shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen deegaano duleedka ka ah degmada Guriceel.