MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka 143-aad ee Militariga Soomaaliya ayaa soo saaray Miinooyin Al-Shabaab ay gelisay Tuulooyn hoostaga Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay sheegtay Dowladda Federaalka somalia.

Taliyaha Ururka 143-aad CXDS Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalkaan miino saaridda ah lagu guuleystay, ujeedka Al-Shabaab ay u duugtay qaraxyadaan waxa uu ku tilmaamay in ay ku waxyeeleyso Askarta ku sugan Deegaankaas & Shacabka.

Waxaa uu tilmaamay in Inta uu socday howlgalka Askarta Dowladda ay toogteen 13-xubnood oo katirsan Al-Shabaab, waxaana ku jira saraakiil hoggaamineysay sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil katirsan Militariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Shabeelaha Hoose lagu soo saaray Miinooyin waddooyinka Al-Shabaab gelisay.

Waddooyinka u dhaxeeya Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo inta badan weeraro jidgal ah Al-Shabaab ka fuliso waxa uu ku bilawdaa Qaraxyo Miino.