Moqdisho-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya deegaano hoos taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMIOSM ay halkaas howlgalo ka wadaan.

Ciidanka ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeysayaan deegaanka lagu magacaabo Haan-sheekh  oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Balacd,kadib markii shalay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM  Qarax lagula eegtay ,xili halkaasi ay socdaal ku marayeen.

Dadka dagan deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Howlgal Ciidamada ay wadaan uu yahay mid xoogan,isla markaana gaadiidka isticmaayala wadadaas ay baaritaano ku sameeynayan,iyagoo dadka saarana Su’aallo weeydiinaya.

Marar badan ayaa Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxaa ka dhaca weeraro kala duwan,kuwaasi oo lala eegto Gaadiidka ay la socdaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya,waxaana halkaas dhowr jeer oo horey ka dhacay weeraro lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.