Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir,  sida ay horay u sheegeen laamaha Amniga Soomaaliya howlgalkaas ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalka ciidanka si gaar ah uga sameeyeen,Xaafada suuqa Xoolaha iyo qeybta degmada Yaaqshiid aya waxaa lasheegay in Guryaha qaar ay mid mid baaritaano ugu sameynayeen, Baraha Bulshadu ay ku xariirto ayaa lagu arkayay Sawirro la soo dhigay kuwaasi oo muujinaya baaritaanada ay xalay Ciidamadu ka sameeyeen qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamada booliska ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Wali laamaha amnigu kama hadlin waxa kasoo baxay Baaritaanadii ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.