Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ka degmada Waabare ee Gobalka Banaadir.

Ciidamadaan ayaa baaritaano waxaa ay si gaar ah kaga dhacay Xaafadaha Buudooyinka oo ka tirsan degmada waabare.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Dad badan lagu soo qabtay Baaritaankii xalay ay ciidamada booliska ka sameeyeen degmada Waabare ee Gobalka Banaadir.

Ila iyo hadda ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabare iyo Taliska Booliska Soomaaliya.

Maalmihii dambe ayaa ciidamada booliska Soomaaliya waxaa ay baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoona dhalin yaro badan lagu soo qabtay baaritanadaasi.