Ciidamada Itoobiya oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah caasimadda Tigray

12

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jeneraal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadu ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan magaalada Mekelle, ee caasimadda gobalka Tigray.

Jeneral Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada xaajood ah la gali doonin fallaagada TPLF ee halkaa ku sugan .

Bishii la soo dhaafay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku baaqay dib u heshiisiin Qaran.

Haddaba maxaa ka dhalan kara haddii ciidamadu galaan Mekelle, halkeese ku dambeyay baaqii Ra’iisul Wasaare Abiy?

Faysal Rooble oo ka faallooda arimaha Itoobiya iyo guudahaan geeska Afrika ayaa BBC u falanqeeyay su’aalahaas iyo kuwa kale.