Kismaayo-Ayaamaha-Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka ayaa baahiyey in Ciidamada Kenya inay la wareegeen Ammaanka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan loo diiday in uu tago degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Sidoo kale Wargeysa waxaa uu shaaciyey in Saraakiil ka tirsan millateriga Kenya ay u sheegeen in Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu tago degmooyin ay kamid tahay Balad Xaawo,taas oo keentay in uu aado Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Hotel uu ka degan yahay Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa la sheegay inay ammaankiisa ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan Millateriga Dowladda Kenya.

Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay u diideen madaxweyne ku xigeenka inuu gudaha galo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sarkaalku ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan bixiyo, isagoo sheegay in xukuumadda Nairobi looga baahan yahay inay ka jawaabto arintaasi.

Xaaladda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, kadib markii maamullada degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Gedo.