Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa  ka socdo Howlgal oo ay sameeynayaan Ciidamada amniga Puntland ee Boosaaso,kadib markii shalay halkaasi lagu dilay Oday Nabadoon Caan ahaa .

 

Howlgalka Ciidamada ay ka wadan xaafado ka tirsan Boosaaso ayaa  waxay ku soo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falalkal amni daro ka jirto Boosaaso.


Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Shalay Masjidka Mubaarak ee ku yaalla Xaafada laanta Hawada ku dhex dilay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanada maamulka Puntland,kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Madaxweyne Dani ayaa laamaga amniga Boosaaso ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay falkii dilka ahaa shalay loo geystay Nabadon Koonte.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa mudooyinkii dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan rag ku hubeysan Bastoolad.