Boosaaso-{Ayaamaha}-Wararka aan ka helayno Gobalka Bari gaar ahaan deegaanka Galgala ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Booliis iyo Daraawiis ay ka soo baxeen deegaankaasi, islamarkaana ay halkaasi la wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamadan baneeyay fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Galgala oo aan tiradooda la sheegin ayaa u soo ruqaansaday deegaan aan sida uga fogayan halkii ay ka soo guureen oo lagu magacaabo Jimbac oo ka tirsan gobalka Bari ee Maamulka Puntland.

Lama oga sababta ay ciidamadan uga guureen fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari,balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaharkii ay qaadan jireen.